Duqeymaha Sacuudiga iyo weerarrada Xuutiyiinta ma horseedi doonaan dagaal sii fida?

Axad 11 Oct 2026 {HMC} Duqeymaha Sacuudiga iyo weerarrada Xuutiyiinta ma horseedi doonaan dagaal sii fida, mise waxay Riyadh ku riixi doonaan inay raadiso waddo kale oo lagu xalliyo colaadda?

Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen wuxuu isu beddelayaa dagaal aan ku koobnayn gudaha Yemen. Sacuudigu wuxuu duqeynayaa Xuutiyiinta, halka iyaguna ay isku dayayaan inay dagaalka gaarsiiyaan gudaha Sacuudiga, iyagoo beegsanaya meelaha ugu muhiimsan ee dalkaas.

Xuutiyiintu waxay u muuqdaan inay adeegsanayaan xeelad ah in haddii Sacuudigu ku garaaco hal meel, iyaguna ay taabtaan meelaha uu aadka uga xanuunsanayo. Gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsanayaan waxay Sacuudiga ku khasbayaan inuu isku mar ilaaliyo garoomada diyaaradaha, saldhigyada milatariga iyo xarumaha shidaalka. Inkastoo Sacuudigu haysto hub casri ah, ma sahlana in dhammaan goobahaas laga difaaco weerar kasta.

Weerarkii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, oo lagu soo warramay inay ku dhinteen 12 qof, in ka badan 300 kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa muujinaya sida dagaalku u saameyn karo meelaha ka fog furimaha hore. Xuutiyiintu waxay intaas kadib maanta uga digeen shirkadaha diyaaradaha, rakaabka iyo shaqaalaha inay tagaan garoomada Sacuudiga.

Arrin kale oo xusid mudan ayaa ah in iskuullada Riyadh waxbarashada loogu wareejiyay hab fogaan-aragga ah muddo toddobaad ah. Tani waxay muujinaysaa in xaaladda amni ay bilowday inay saameyn ku yeelato nolol maalmeedka dadka.

Waxa Xuutiyiintu doonayaan waxay u muuqataa inay tahay in Sacuudigu dareemo kharashka dagaalka gudaha dalkiisa. Xilli Sacuudigu uu ku dhibtoonayay meel uu mariyo shidaalkiisa, maaddama marin-biyoodka Hormuz uu xiranyahay, Badda Cas ay taaganyihiin Xuutiga, si ay xaaladan uga sii daraan waxay si toos ah u beegsanayaan warshadaha shidaalka, arrin adkaynaysa Sacuudiga inuu adkaysi u yeesho dagaal dheer oo Xuutiga uu la galo.

Sacuudigu wuxuu taageero ka raadin karaa xulafadiisa, laakiin difaaca dalka iyo ka hortagga weerarrada oo dhan waa hawl adag. Maraykanka, Turkiga iyo Pakistan waxay door ku yeelan karaan taageerada amniga, balse taasi macnaheedu ma aha inay dammaanad qaadi karaan in gantaal kasta iyo diyaarad kasta oo aan duuliye lahayn la joojinayo.

Haddii Sacuudigu sii wado duqeymaha, Xuutiyiintuna sii ballaariyaan weerarrada, xaggee ayuu dagaalku ku dambaynayaa?
Sacuudigu wuxuu doonayaa inuu wiiqo awoodda Xuutiyiinta, halka Xuutiyiintu isku dayayaan inay dagaalka ka dhigaan mid Riyadh ku bixiso kharash amni iyo dhaqaale oo sii kordhaya.

Haddii xaaladdu sidaas ku sii socoto, dagaalku wuxuu ka gudbi karaa iska horimaadka milatari oo wuxuu saameyn karaa nolol maalmeedka dadka iyo dhaqaalaha gobolka.

Waxa ugu weyn ee hadda la eegayo waa in Sacuudigu sii kordhin doono weerarrada iyo in cadaadiska uu wajahayo uu ku riixi doono inuu raadiyo waddo kale oo lagu xakameeyo dagaalka.

Waddada ugu habboon ee Sacuudigu waa inuu isku daro difaac adag iyo wada-hadal siyaasadeed oo lagu joojinayo weerarrada, laguna xaqiijinayo amniga xuduudaha iyo marin-biyoodka. Haddii labada dhinac ay ku adkaystaan dagaal aan xal lahayn, khasaaraha dadka iyo dhaqaalaha gobolka ayaa sii kordhi kara.

W/Q Iman Jamac

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Koonfur Afrika Oo ciidamo milatari iyo boolis u daadgureeysay Magalada Durban.

Axad 11 Oct 2026 {HMC} Dowladda Koonfur Afrika Oo ciidamo milatari iyo boolis u daadgureeysay bartamaha magalada Durban kadib Dibadbaxyo rabshado isku bedalay. Ciidamada milatariga...