Thomas Partey oo kamid ah Ciyaartooyda Dalka Chana ayaa seegi doono Ciyaarta uu Xulkiisa la caaridoono Panama.

Sabti 13 June 2026 {HMC} Ra’iisulXiddiga khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, ayaa seegi doona ciyaarta furitaanka ee xulkiisa Ghana ee Koobka Adduunka 2026, taas oo ay la ciyaari doonaan Panama, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Canada.

Thomas Partey, oo hore ugu soo ciyaaray Arsenal, ayaa haatan sugaya inuu maxkamad wajaho kadib markii Booliiska London ay ku soo oogeen toddobo dacwadood oo kufsi ah. Wuxuu iska fogeeyay dhammaan eedeymahaas.

Xulka Ghana ayaa lagu wadaa inuu Arbacada, 17-ka June, la ciyaaro Panama kulankooda ugu horreeya ee tartanka Koobka Adduunka 2026.

Inkastoo xulka Ghana uu deggen yahay gobolka Rhode Island ee dalka Mareykanka, isla markaana uu halkaas uga safri lahaa ciyaarta, codsiga fiisaha Canada ee Thomas Partey ayaa waxaa diiday mas’uuliyiinta socdaalka ee dalka Canada

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...