Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii tareenka ee Pakistan.

Isniin May 25, 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar argagixiso oo lagu qaaday tareen rakaab siday oo ku sugnaa magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka xun tahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka, gaar ahaan dhimashada haween, carruur iyo dad kale oo aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Pakistan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay Pakistan xilligan adag, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo dhammaan falalka argagixisada iyo weerarrada lagu beegsado shacabka rayidka ah.

Labada dal ayaa marar badan iska kaashadeen arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...