Somaliland oo Cambaareeyay Socdaalkii RW Xamsa ee Laascaanood

Isniin 3 August 2026 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu si adag ugu cambaareeyay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Somaliland uu socdaalkaasi u arko mid sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka, isla markaana uu ku tilmaamay tallaabo uu sheegay inay dhaawacayso waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida iyo dhulka uu maamulo.

idoo kale, maamulka Somaliland wuxuu sheegay in socdaallada noocan oo kale ah aysan waxba ku soo kordhinayn dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, balse ay halis gelin karaan amniga iyo dadaallada lagu doonayo xasilooni waarta.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan inay ka fogaato tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa sii kordhin kara xiisadaha.

Ugu dambeyn, maamulka Somaliland wuxuu sheegay inuu ka go’an yahay nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida, balse uu qaadi doono tallaabooyinka uu u arko inay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta amniga iyo dhulka uu maamulo.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...