Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo caawa si rasmi ah uga furmay garoonka Estadio Azteca ee magaalada Mexico City.

Jimco, 12 June 2026 {HMC} Koobka Kubadda Cagta Adduunka ayaa caawa si rasmi ah uga furmay garoonka Estadio Azteca ee magaalada Mexico City.

Kulankii furitaanka ayaa ku dhammaaday guul ay xulka Mexico ku gaareen 2-0, halka xulka Koonfur Afrika ay ku guuldarreysteen inay wax gool ah dhaliyaan.

Tan iyo koobabkii 2006 iyo 2010, dad badan ayaa aaminsan in Koobka Adduunku uu si tartiib tartiib ah u luminayay qayb ka mid ah xiisihii gaarka ahaa ee lagu yaqaanay, arrintaas oo mar kale laga dareemay tartanka sannadkan 2026.

Intii uu socday kulanka furitaanka, waxa dareenkayga soo jiitay qaab ciyaareedka xulka Koonfur Afrika , waxay ciyaaryahannada u muuqdeen kuwa doonayay inay khamaar lacag ku sameeyaan, tusaale ahaan labo ciyaaryahan oo Koonfur Afrika ah ayaa kaarka kas siyaabo laga baaqsan karay u qaatay,halka Mexico uu ciyaaryahan isagana daqadihii ciyaarta lagu daray uu kaarka cas qaatay, arrimahan oo dhacaya xilli kubadda cagta ay la daaladhacayso sharadka hab digital ah lagu saadaaliyo dhacdooyinka ka dhex dhacaya ciyaaraha.

Markii u dambeysay oo koobka adduunka hal kulan la bixiyay wax ka badan labo kaar oo cas , waxay ahayd sannadkii 1990 , oo ciyaar u dhaxeysay Argentina iyo Cameroon la bixiyay.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...