Howlgal qorsheysan oo Lagu dilay Xubno ka tirsan Kooxda AS Ayaa laga fuliyay Jubbada Hoose.

Arbaco  07 July 2026 {HMC} Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baqdaad ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa khasaare gaarsiiyay Khawaarijta, waxaana lagu dilay 6 maleeshiyaad ah, halka 3 horjooge oo ka tirsan Khawaarijta lagu soo qabtay iyagoo nool.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna wiiqayaan awoodda kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...