Khamiis, July 16, 2026 {HMC}Â Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa kulan muhiim ah dalka Mareykanka kula yeeshay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xiriirrada kubadda cagta dalalka Afrika ee lagu casuumay Koobka Adduunka ee FIFA 2026.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habsami u socodka tartanka Koobka Adduunka ee 2026, qiimeynta heerka diyaar-garowga kulanka Finalka oo la ciyaari doono 19-ka bishan iyo arrimo kale oo muhiim u ah horumarinta kubadda cagta ee qaaradda Afrika.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed iyo madaxda kale ee xiriirrada kubadda cagta Afrika ayaa Madaxweynaha FIFA kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga FIFA iyo xiriirrada xubnaha ka ah, kor u qaadidda tayada tartamada, horumarinta kaabeyaasha kubadda cagta, iyo ballaarinta fursadaha horumarineed ee ay ka faa’iideysanayaan dalalka Afrika.

