Dowladda Soomaaliya ayaa hawadeeda ka celisay diyaarad gaar ah oo sidday xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha dalka UK

Dowladda Soomaaliya ayaa hawadeeda ka celisay diyaarad gaar ah oo sidday xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha dalka UK, taas oo doonaysay inay ka degto magaalada Hargeysa, sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen.

Diyaaradda ayaa markii hore loo weeciyay Jabuuti oo ay saacado ku dul wareegtay, balse ugu dambeyn waxay oggolaansho ka heshay inay ka degto magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ku jirtay xaalad feejignaan sare, kadib cabsi la xiriirtay suurta galnimada in hoggaamiyaha Taiwan uu safar qarsoodi ah ku tago Somaliland, maadaama uu haatan ku sugan yahay dalka Eswatini.

Ilaa hadda lama shaacin magaca mas’uulka saarnaa diyaaradda, dowladda federaalkana weli war rasmi ah kama soo saarin dhacdadan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...