jimo 20 Nov 2026 {HMC} Suudaan: Afhayeenka Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Galbeedka Kordofan, Maxamed Didaan, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida,
ciidamada isku dhafka ah iyo kuwa taageeraya ay dib ula wareegeen in ka badan 8 tuulo oo ku yaalla agagaarka deegaannada Al-Nahud iyo Abu Zabad.
Didaan ayaa sheegay in ciidamada RSF ay isaga baxeen tuulooyinkaasi iyaga oo aan wax dagaal ah gelin, kadibna ciidamada dowladda ay burburiyeen fariisimo ay maleeshiyadu ku lahaayeen dhowr tuulo.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay sidoo kale u sii dhaqaaqayaan dhanka magaalada Al-Nahud.

