Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay ka daganaayeen Boosaaso

Qamiis/7/ August  2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ay isaga baxeen xiradii ay kaga sugnaayeen magaalada Boosaaso.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Boosaaso, Saldhigii PSF ay ku sugneyd in ka badan 20 sano ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Difaaca Maamulka Puntland.

Tillaabadaan ayaa timid wada hadallo saacadihii la soo dhaafay socday oo la xiriiray sidii looga fogaan lahaa dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ciidamada PSF oo si rasmi ah u hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay la kulmayay culeysyo kaga imaanayay Maamulka Puntland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo DFS.

Xarruumihii ay Puntland kaga sugnaayeen Ciidamada PSF sida Gaalkacyo iyo Boosaas ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay Ciidamada Maamulka Puntland.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan weli kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada PSF.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...