Bayaan adag oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay ka soo saartay dhacdo la xiriirta calanka Mareykanka.

Axad 12 July 2026 {HMC} Safaaradda Mareykanka waxay sheegtay in falalka ka dhanka ah Mareykanka ay dhaawacayaan xiriirka labada dal. Waxay xustay in Mareykanku Soomaaliya ku bixiyay balaayiin dollar oo gargaar ah, isla markaana uu muddo dheer taageerayay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo Mareykanka.

Bayaanka wuxuu ka dhashay muuqaal ay ka soo muuqdeen shaqsiyaad xiran dareyska ciidamada Soomaaliya oo fal meel ka dhac ah kula kacaya calanka Mareykanka.

Safaaradda ayaa soo dhoweysay tallaabada degdegga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xarigga dadka lala xiriiriyay dhacdada iyo baaritaanka la bilaabay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...