{DAAWO SAWIRADA} Ruushka oo tijaabiyay gantaalka ugu awoodda badan adduunka.

Arboco 13 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta ku dhawaaqay in lagu guuleystay tijaabada gantaalka ugu awoodda badan adduunka oo Ruushka uu soo saaray, kaasoo qaadi kara madaxyada nukliyeerka , isla markaana gaari kara masaafo 35,000 km ah oo ay ku jiraan goobaha ugu fog Mareykanka iyo Yurub.

Muxuu yahay gantaalkan?

Gantaalkan waa nooca xawaaraha sare ee ICBM, waxaa loo bixiyay Sarmat, isagoo ku socon kara xawaare ka dheereeye 27 jeer codka labada qof ee is hor fadhisa ,maaddama uu ku socdo Mach 27 , wuxuuna hal mar qaadi kara illaa 16 madax oo nukliyeer ah oo bartilmaameedyo kala duwan hal mar lagu beegsan karo, taasoo ka dhigtay gantaalka ugu khatarta badan ee dunidda yaalla, waxayna horumarintiisa socotay tan iyo 2018, iyadoo maanta uu Putin ku dhawaaqay 2027 in si rasmi ah ciidanka Ruushka loogu qalabeynayo gantaalkan.

Wuxuu Putin, sidoo kale yiri: “Wuxuu awood u leeyahay inuu ka gudbo dhammaan nidaamyada difaaca gantaallada ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...