Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala uga qeybgalaya caleemo-saarka Madaxweyne Museveni.

Isniin 11 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hoggaaminaya wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda, halkaas oo ay kaga qaybgelayaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa Qasriga Madaxtooyada Uganda kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga difaaca iyo amniga ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Museveni dib-u-doorashadiisa.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...