Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dhismaha hay’ad sirdoon oo u gaar ah, taas oo loo soo gaabiyay SISA (South West Intelligence and Security Agency), tallaabadan oo kusoo biiraysa dadaallada maamul-goboleedyada qaarkood ay ku dhisanayaan hay’ado sirdoon oo u gaar ah.
Jubbaland ayaa horay u dhistay hay’adda JISA (Jubaland Intelligence and Security Agency), taas oo qayb ka ah qaab-dhismeedka hay’adaha amniga ee maamulkaas.
Tallaabooyinkan ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan hirgelinta heshiiskii dib-u-habaynta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka (National Security Architecture), kaas oo ay madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ku gaareen shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee magaalada Baydhabo, intii u dhexeysay 15–17-kii Maarso 2023.
Heshiiskaas ayaa sirdoonka u aqoonsaday masuuliyad heer federaal ah, iyadoo Dowladda Federaalka loo xilsaaray hawlaha ururinta iyo falanqaynta xogaha sirdoonka, halka maamul-goboleedyada laga reebay hawlgallada ururinta sirdoonka.
Waxaa sidoo kale heshiiska lagu qeexay in marka dalka ka gudbo xaaladda amni ee kala-guurka, maamul-goboleedyadu aysan yeelan doonin awoodaha ururinta sirdoonka ama ciidamo gaar ah oo hubaysan oo la mid ah kuwa NISA. Inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, NISA waxay sii haysanaysaa ciidamadeeda gaarka ah ee hubaysan.
Dhismaha SISA iyo JISA ayaa dib u soo nooleynaya doodda ku saabsan sida loo waafajinayo hay’adaha amniga ee maamul-goboleedyada iyo heshiiska qaran ee qeexaya awoodaha iyo masuuliyadaha amniga Soomaaliya.

