Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga gaarka loo leeyahay, xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika (HoAI), iyo iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, si loo taageero dadaallada Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan kobaca dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

