Suudaan oo Diidday Hindisaha Itoobiya ee Wada-hadallada Nabadda.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC}  Dowladda Suudaan ayaa maanta diidday hindise uu shalay oo Talaado ahayd ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo ahaa in Itoobiya ay martigeliso wada-hadal loo dhan yahay oo ay yeeshaan dhinacyada isku haya Suudaan, laguna qabto magaalada Addis Ababa.

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya aysan buuxin shuruudda dhexdhexaadnimada ee looga baahan yahay dal martigelinaya ama fududeynaya wada-hadallada, xilli Qaramada Midoobay ay ka digtay in dagaalka Suudaan uu sii xoogeysanayo, isla markaana ay sii kordhayaan dadka ku barakacaya gudaha dalka.

Sida ay baahisay Al Jazeera ; militariga Suudaan ayaa sheegay dal kasta oo martigelinaya wadahadal in looga baahanyahay inuu dhexdhexaad ahaado, isla markaana ixtiraamo madax-bannaanida Suudaan. Waxay sheegtay in labadan arrimood ay yihiin shuruudo aasaasi ah oo lagu aqbali karo doorka dal martigelinaya wada-hadalka.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Suudaan mar kale ku eedeysay Itoobiya in ay taageerto RSF, oo ay ku tilmaantay maleeshiyaad fallaago ah. Waxay sidoo kale ku eedaysay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada geysta laga soo duuliyo gudaha dhulka Itoobiya, si loogu bartilmaameedsado Suudaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furey Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo...