Arbaco 25 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furey Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo sanadkan hal-ku-dhiggeedu yahay “U Gudbidda Dhaqaale Nabadeed”.
Madashan oo ay kasoo qeybgalayeen dhaqaaleyahano, ganacsato, mas’uuliyiin dowladeed iyo cilmi-baarayaal ayaa waxaa waxaana soo qabanqaabiyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Madasha ayaa sanadkan lagaga hadlay hannaanka dhaqaale, ee abuurma xilliyada nabadda, kuna kobca marka nidaamka dowliga ah uu xoogaysto, iyada oo daraasado lasoo bandhigay ay muujiyeen in hadda Soomaaliya ay gashay marxaladaas.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga gudbo hababkii iyo dhaqamadii laga dhaxlay dagaalada sokeeyo, gaar ahaan in ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka ay noqdaan kuwa la jaanqaada dunida inteeda kale.
“Xilligii hore ee uu xukunka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, magaalada waxaa tiilay 65 isbaaro, marka aad eegto meesha aan ka nimid iyo meesha aan joogno, rejo weyn baa ku galaysa. weeynu soconaa, inkasta oo xawaarihii la rabay aynaan ku socon laakiin dhinicii wanaagsanaa ayaan u soconnaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Qorshaha Isbadelka Qaranka iyo Aragtida Madaxweynaha ee 2060-ka labaduba ay bidhaaminayaan mustaqbal wanaagsan oo Soomaaliya yeelato, iyada oo uu qorshaha yahay in muddo gaaban gudaheed la abuuro 160 kun oo shaqo,
taas oo kaalinta ugu weyn ay ka qaadanayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhaqaalaha xorta ah, dowladdana ay abuureyso xaalad kasta oo ku habboon in uu ku kobco dhaqaalaha dalka.

