Dowladda Soomaaliya oo xoojisay ciidamada amaanka Muqdisho.

Axad 10 May 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay ciidamada amaanka ee sugaya amniga magaalada Muqdisho iyadoo jidadka Muqdisho lagu arkayo gawaarida dagaalka iyo ciidamo hubeysan oo dhaqdhaaqyo ciidan ka wada magaalada.

ciidamada dowladda ayaa sidoo kale hareereeyay xaafadaha ay Muqdisho ka deganyihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyadoo dowladdu sheegtay maanta in aysan aqbali doonin in dibadbax laga dhigo Muqdisho ayadoo aan ogalaaansho laga haysan hay’adaha amaanka.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya inay birri dhigaan dibadbaxyo ka dhan ah xukuumadda M/weyne Xasan Shiikh iyadoo shacabka Muqdisho ay qabaan walaac ku aadan inay iskudhacyo hubeysan dhexmaraan ciidamada mucaaradka taabacsan iyo kuwa dowladda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...