WAR DEG DEG AH: Xukuumadda Soomaaliya oo Ansixisay Xeerka Doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda

Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Xukuumadda Federaalka ayaa caawa meelmarisey Xeerka Doorashooyinka & Xisbiyada oo jidaynaya doorasho toos ah oo ah hannaan liis-xidhan ah; taas oo xulashada xildhibaanka uu yeelanayo xisbiga.

Xisbiyada oo markii hore saddex keliya ahaa waxa laga dhigey in urur kasta oo 10% hela codadka doorashada uu noqdo xisbi, tan oo horseedaysa xisbiyo badan.

Raysal wasaare Xamse oo la hadlayey Wasiirrada ayaa sheegey in mas’uul kasta oo dowladeed oo xildhibaan doonanaya ay tahay in uu ka tago xilka uu hayo ka hor doorashada, iyada oo xukuumadduna noqoneyso mid xil-gaadhsiin ah.

Tallaabooyinka ay qaadday DFS ayaa imanaya, iyada oo Uganda iyo dalalka ay doonayaan in ay dhexgalaan mucaaridka & dowladda, si ay u gaadhaan heshiis-doorasho, balse Dowladdu waxa ay wadataa geeddi-geedigeeda mana cadda in ay u hoggaansamayso dhexdhexaadinta dibedda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

BREAKING NEWS: Somali Government Approves Electoral and Political Parties Law.

Tuesday, Nov 24, 2026 {HMC}  The Federal Government has tonight approved the Electoral and Political Parties Law, which mandates direct elections based on a...