Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah-furay madal lagu soo bandhigay natiijada qiimeynta daah-furnaanta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sannadkii 2025, taas oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee International Budget Partnership (IBP).
Qiimeyntu waxay muujisay horumar ka laga sameeyay daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka maaliyadda Dowladda, iyadoo Soomaaliya ay gaartay natiijooyinka soo socda:
1. Daah-furnaanta Miisaaniyadda (Budget Transparency): Soomaaliya waxay heshay 39 dhibcood 100-kiiba.
2. Ka-qaybgalka Dadweynaha (Public Participation):
Soomaaliya waxay heshay 19 dhibcood 100-kii dhibcood, taas oo muujinaysa baahida loo qabo xoojinta ka-qaybgalka bulshada ee diyaarinta iyo hannaanka miisaaniyadda.
3. Kormeerka Miisaaniyadda (Budget Oversight):
Qiimeynta guud ee kormeerka Baarlamaanka Federaalka iyo Hanti-dhowrka Guud ayaa Soomaaliya siisay 37 dhibcood 100-kii dhibcood.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sii xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la tixgelinayo talooyinka ku xusan warbixinta, lana ballaarinayo wadatashiyada dadweynaha ee heerarka kala duwan ee diyaarinta, dib-u-eegista iyo ansixinta miisaaniyadda Dowladda.
Horumarkan wuxuu muujinayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, isla-xisaabtan leh, isla markaana bulshada u furan.

