Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dalka Jabuuti.

Jimco 8 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa Madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

 

DHAMMAAD

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...