Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan isu tanaasul, isla markaasna si degdeg ah dib loogu soo laabto Miiska Wada hadalka, si loo ilaaliyo Xasiloonida dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan fududeynta Wada hadallada iyo sidii loo dhageysan lahaa labada dhinac.


