Ciidanka Xoogga Dalka oo Gurmad u Fidiyay Qoysas ay Roobabku Saameeyeen Xarardheere.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gurmad u Fidiyay Qoysas ay Saameeyeen Roobabka ka Da’ay Xarardheere Xarardheere, 16 Oktoobar 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya maamulka degmada Xarardheere, ayaa gurmad u fidiyay qoysas ay saameeyeen roobab wata fatahaado iyo dabaylo xooggan oo xalay ka da’ay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Qoysaska loo fidiyay gurmadka ayaa laga soo saaray goobihii ay khatartu ka jirtay, waxaana la geeyay goobo ammaan ah oo ay hoy ka dhigtaan si ay uga badbaadaan saameynta roobabka iyo fatahaadaha.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an badbaadinta nolosha shacabka, u gurmashada dadka ay saameeyaan xaaladaha degdegga ah iyo garab istaagga bulshada xilliyada ay la kulmaan dhibaatooyinka dabiiciga ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...