Jimco 16 Oct 2026 {HMC} Maamulka Galmudug ayaa caawa yeelatay Baarlamaankeedii ugu horreeyay ee ku yimaada codka dadweynaha, kaddib markii la dhaariyey xildhibaannada cusub.
Xildhibaannada cusub ayaa dhammaantood ah dhallinyaro, taas oo Baarlamaanka ka dhigaysa mid ay si buuxda u matalaan jiilka da’da yar ee kaalin cusub ka qaadanaya hoggaanka iyo siyaasadda Maamulka Galmudug.

