Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay sii wadaan horumarka ay ka sameynayaan furimaha dagaalka ee xeebaha galbeedka dalka, halkaas oo ay ciidamadu xoojinayaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Ciidamada ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha isbahaysiga ay ka taageereen dagaalka, isla markaana ay khasaaro naf iyo qalabba leh gaarsiiyeen Xuutiyiinta.
Sidoo kale, ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay fashiliyeen isku dayo ay Xuutiyiintu ku doonayeen inay kaga soo dhex gudbaan furimaha dagaalka ee xeebaha galbeedka dalka.

