Madaxweyne DFS oo ku wajahan Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Khamiiis 13 Aog 2026 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isagoo u sii gudbi doona deegaanno kale oo ka tirsan Maamulkaasi.

Sida qorshaha yahay, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tababar u soo xiro Cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan deegaan Xananbuure.

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaarey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ku jiraan saraakiil ciidan sida Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo ciidamadan oo loo diyaariyay in ay xoojiyaan dagaalka AS iyo Xasilinta deegaannada ay dowladda maamusho.

Bilihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dadaaleysay in ay dhisto awoodda Ciidamada Qalabka Sida si ay ula wareegaan Mas’uuliyadda Amni ee dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa billaabey in ay wareejiyaan saldhigyadii ciidan ee ay kaga sugnaayeen dalka, maadama howlgalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo dhaqaale la’aan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...