Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal

Arbaco 12 Aog 2026 {HMC}Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo door muuqda ka qaadan doonna nabadgalyada Badda si gaar ah gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Soomaaliya sida lagu yri war kasoo baxay Xukuumadda Beijing.History

Shiinaha ayaa sheegay in saddexdaas Markab ay kala yihiin Kunming oo ah kuwa waxburburiya, Yueyang oo hub casri ah ku xiran iyo Loumahu oo Sahaay u sida Ciidamada Badda ee howlgalkaan ku jira iyo qalabka kale ay u baahan yihiin.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha ayaa sheegtay in ciidankaas cusub ay noqon doonnaan guutada 49aad ee Maraakiibta Badda Shiinaha, waxaana ay xilka kala wareegi doonnaan guutada 48aad ee bishii October 2025 soo billaabay howlgalkaan.

Ciidamada iyo Maraakiibta Badda ee Shiinaha soo dirayo ayaa Bartamaha Bishaan August kusoo beegan Biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, Beijing ayaa guullo ka sheegatay howlgalkeeda gudbinta Maraakiibta isugu jira Ganacsiga & Dalxiiska.

Tan iyo sannadkii 2008dii waxa uu Shiinaha howlgallo ilaalin ah kawada Biyaha Soomaaliya, waxa ay Xukuumadda Beijing shaacisay in ay gudbisay in ka badan 7,000 oo Markab kuwaas oo si nabadgalyo ah uga tallaabay goobaha laga diiwaangeliyay Burcad badeeda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...