Sabti 20, June 2026 {HMC} Tartanka kubadda cagta ee koobka adduunka ayaa kullamadii xalay laga diiwaangeliyay dhacdooyinkii ugu horreeyay ee la yaabka lahaa.
Labadii dal ee u horreeyay ayaa ka haray koobka adduunka ee 2026, kuwaasoo kala ah ; Haiti iyo Turkiga, balse ka haritaanka koobka adduunka ee Turkiga ayaa ah dhacdo si weyn loo hadal hayo , ka dib markii Turkiga uu ku guul-darreystay labadii kulan ee uu ciyaaray , waxayna ciyaaryahannada Turkiga awooddi waayeen wax gool ah inay dhaliyaan.
Turkiga, muddo 24 sanno ah ayuu ka maqnaa koobka adduunka, waxaa ugu dambeysay 2002 , markii uu sannadkan ka soo qaygalay wuxuu noqday dalkii ugu caansanaa ee sida ugu dhaqsaha badan tartankan uga hara, ka dib kulankii xalay uu Turkiga la ciyaaray Paraguay oo ciyaaryahan qaybta hore kaar cas uu ka qaatay ay guusha ku raacday 1 gool (Paraguay 1-0 Turkiga) oo loo diiwaangeliyay midkii ugu dhaqsaha badnaa ee laga dhaliyo koobkan adduunka ee 2026 , kaasoo la dhaliyay 64 ilbiriqsi ee isla markii ciyaartu billaabay oo ciyaaryahanka Paraguay ee khadka dhexe, MatÃas Galarza uu ka dhaliyay masaafo goosha Turkiga u jirtay 25 mitir.
Ciyaartan sida weyn loo hadal hayo waxay ku dhammaatay iyadoo wadata saddex dhacdo oo la yaab leh; middii waa tan goosha keliya ee natiijada ciyaartan xaqiijiyay oo noqday midkii ugu dhaqsaha badnaa ee tartankan laga dhaliyo, waxaa kaloo dhacday in la bixiyay kaarka cas oo ciyaaryahanka reer Paraguay, Miguel Almirón lagu siiyay sharciga cusub ee FIFA ay soo kordhisay oo ah inuu afka gacanta saartay si uu u qariyo hadallada uu ku dhahayay ciyaaryahanka Turkiga ee Mert Müldür, xilli ka hor tartankan la shaaciyay inay mamnuuc tahay in afka gacanta la saarto ama la qariyo marka ciyaayahan uu midka ka soo horjeedo hadallo ka caraysiinaya ku dhahayo.

