Madaxweynaha UEFA, oo ammaan u jeediyay garsoore Cartan, kaas oo dhawaan loo diiday gelitaanka Mareykanka si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Khamiis, 11 June 2026 {HMC} Madaxweynaha UEFA, Aleksander Ceferin, ayaa ammaan u jeediyay garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cartan, kaas oo dhawaan loo diiday gelitaanka Mareykanka si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Ceferin ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay garsoore da’yar balse leh khibrad weyn, islamarkaana isku muujiyay heerarka ugu sarreeya ee tartamada ay maamusho Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

“Cumar Cartan waa garsoore aad u wanaagsan, inkastoo uu weli da’yar yahay haddana wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran, wuxuuna isku caddeeyay heerarka ugu sarreeya ee tartamada CAF.

Kubadda cagtu waxaa loo sameeyay inay dadka isu keento, UEFA-na waxay dooneysaa inay muujiso ixtiraamkeeda ku aaddan Cumar iyo xirfaddiisa garsoornimo ee heerka sare ah,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa muujinaya taageerada iyo qaddarinta ay hay’adaha kubadda cagta Yurub u hayaan garsooraha Soomaaliyeed, oo si weyn loogu ammaanay kartidiisa iyo sumcaddiisa caalamiga ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...