FIFA oo nasiib daro ku tilmaamay wixii ku dhacay Garsoore Cumar Cartan

Arbaco 10 Jun 2026 {HMC}  Madaxa xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA, Gianni Infantino ayaa difaacay xiriirka sida uu u maamulayo Koobka Adduunka, maalin kahor furitaanka koobka.

Shir jaraa’id oo u uku qabtay Mexico ayuu Infantino ku sheegay in FIFA aysan ahayn boqorada adduunka oo xukumi kara dowladaha, aysana wax walba maamulin.

Laakiin waxa uu nasiib daro ku tilmaamay wixii ku dhacay garsooraha Soomaaliga Cumar Cartan oo la filayay inuu garsoore ka noqdo koobka addunka, waxaa loo diiday inuu galo Maraykanka.

Infantino waxaa uu difaacay qiimaha tikirka koobka adduunka, kadib cabashooyin ballaaran oo laga muujiyay.

Beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa inuu furmo Koobka Adduunka , iyada oo mid kamid ah martigaliyayaasha koobka oo ah Mexico ay caasimada dalkaasi kula ciyaaraysi dalka Koonfur Afrika

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...