Garsoore Cartan oo war ka soo saaray caqabadihii Looga hor istaagay ka qeyb galida Ciyaaraha Aduunka ee Lagu qabanaayo Mareykanka.

Talaado, 9 June 2026 {HMC} Garsoore Cumar Cartan ayaa sheegay in ay qabsadeen caqabado balse wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono halgankiisa xirfadeed ee garsooridda ciyaaraha caalamiga ah.

Hoos ka eeg qoraal kasoo baxay garsoore Cumar Cartan. “Inkasta oo duruufaha jira, haddana waxaan ku suganahay niyad wanaagsan, waxaana diiradda saarayaa caqabadaha xiga ee safarkayga garsoornimo” ayuu yiri garsoore Cumar Cartan oo ka hadlay safarkii Mareykanka ee laga hor istaagay.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa FIFA iyo CAF taageerada ay mar walba i siiyeen, waxaana ballanqaadayaa inaan sii ilaaliyo heerka garsoornimadayda anigoo xoogga saaraya mustaqbalka”ayuu ku yiri qoraal kasoo baxay garsoore Cumar Cartan.

“Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa qoyska kubadda cagta dhammaan fariimaha dhiirrigelinta leh ee ay ii soo direen.

Waxaan u rajaynayaa saaxiibbaday garsoorayaasha guul iyo nasiib wacan inta lagu guda jiro Koobka Adduunka, waxaanan rajaynayaa inaan mar kale kula midoobo tartamada soo socda” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday garsoore Qaran Cumar Cartan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...