Khamiis 28, May 2026 {HMC} Musharaxa Madaxweynaha urur siyaasadeedka Wadajirka iyo Cadaaladda (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Magaalada Baydhabo kulan qado sharaf iyo is xogwareysi ah ugu sameeyey Xildhibaanada urur siyaasadeedka JSP ee ku soo baxay doorashadii dhowaan ka dhacday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo haatan qeyb ka noqday Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulankan oo ahaa mid muhiim u ah xoojinta wada shaqeynta iyo mideynta juhdiga siyaasadeed, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha ololaha doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku duubni, wada tashi iyo wadajir siyaasadeed.
Musharaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa xildhibaanada cusub ugu hambalyeeyey guusha ay kasoo hooyeen doorashadii dhowaan dhacday, isaga oo Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Sidoo kale, wuxuu ku booriyey inay si hufan ugu adeegaan shacabka iyo deegaanada Koonfur Galbeed, kana shaqeeyaan horumar, nabad waarta, midnimo iyo dowladnimo adag oo shacabka rajo cusub u horseeda.

