Trump oo sheegay in aysan jiri doonin cid si gaar ah u maamusho Marinka Hormuz.

Wed May 27, 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadalayay Marinka Hormuz ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid si gaar ah u maamusho, uuna ahaanayo mid cid kasta u furan.

Trump ayaa shaaciyay in damaca Iran iyo rabitaan Mareykanku aad u kala fog yahay “jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan waxa ay doonaysaa kaantaroolida marinka Hormuz,’’ ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha ayaa sii raaciyay hadalkiisa‘’Cidna ma kaantarooli karto, maxaa yeelay waxa ay ku taalaa biyaha caalamiga ah, Cumaanna waxa ay u dhaqmaysaa sida cid walba”.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda Marinka Hormuz ay aad u cakiran tahay, dhowaana ay ka dhacday weerar lagu qaaday doomo Iran leedahay meel aan ka fogeyn.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...