Isniin 25 May 2026 {HMC}Soomaaliya waxaa laga waayay 34 sano kaddib Dalalka Khatarta Amni ka jirto ee inta badan Muwaadiniinta Waddamada Reer Galbeedka uga digaan in ay u safraan ama u dhawaadaan sababo la xiriira halista halkaas ka jirta.
Adkaynta Amniga iyo isbaddelkaas cusub ee soo ifbaxay waxa uu sababay in Indhaha Caalamka ay usoo jeystaan xasiloonida Magaalada Muqdisho maadaama maalin weliba laga soo tabin jiray dhacdooyin amniga liddi ku ah.
Tani waa tallaabo kale oo wajiga Soomaaliya qurxinaysa, waxaa horay looga tiray Liiska Dalalka cunaqabataynta Hubka ay saaran tahay, Dayntii waqti dheer lagu lahaa oo laga cafiyay, Fadhiyada Qaramada Midoobay oo shirguddoonkooda kasoo muuqatay & kuwo kale.
Soomaaliya waxa ay dhowaan gashay Liiska Dalalka u dhaqaaqay soosaarka shidaalkooda dabiiciga ah, Maraakiibta casriga ah ee Turkiga leeyahay ayaa ku guda jira howshaas oo qaadanaysa 6 ilaa 9 bil sida uu dhowaan sheegay Madaxweyne Erdogan.

