Mareekanka oo Waayay Xogta Mojtaba Khamenei

Isniin 25 May 2026 {HMC}  CBS News oo ah warbaahinta ay BBC-da bah-wadaagta latahay gudaha Maraykanka ayaa warbixin ay Axaddii soo saartay ku sheegtay: “Macluumaad ka yimid hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka ayaa muujinaya in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan inuu ku sugan yahay meel aan la garanayn, isla markaana ay aad u xaddidan tahay inuu la xiriiro dunida inteeda kale, kaliya waxaa lagu heli karaa in Ergo loo diro, taas oo maalmo qaadaneysa.

Sida ay CBS sheegtay, helitaankan adag ayaa ka mid noqonaya sababaha hoos u dhigay muddada lagu dhammaystirayo faahfaahinta heshiis suurtagal ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Washington.

Si kastaba ha ahaatee, CBS waxay warisay in sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka uu Axaddii u sheegay in Mojtaba Khamenei oo ah hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu oggolaaday qaab-dhismeedka guud ee qabyo-qoraalka heshiiska hadda socda.

Axaddii, Donald Trump ayaa sidoo kale ku qoray farriin uu ku baahiyay bartiisaTruth Social inuu filayo in go’aan kama dambays ah lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...