Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo si adag uga soo horjeestay qorshaha Somaliland ay uga furaneyso xafiis Qudus,

Axad 24 May 2026 {HMC} Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka GCC, Jasem Mohamed Albudaiwi ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha Somaliland ay uga furaneyso xafiis magaalada Qudus, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka isla markaana ay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah.

Golaha GCC oo ay xubno ka yihiin Saudi Arabia, United Arab Emirates, Qatar, Kuwait, Bahrain iyo Oman ayaa sidoo kale markale muujiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia.

Bayaan ka soo baxay GCC ayaa lagu sheegay in dalalka Khaliijka ay si mideysan u garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ka fogaato tallaabo kasta oo dhaawaceysa qaranimada Soomaaliya

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...