Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa isku soo dhiibay Horjooge ka tirsanaa As.

Axad 24 May 2026 {HMC}Horjooge lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu ka soo baxsaday weerarro ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan As ee deegaanka Ugunji.

Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa sheegay inuu muddo ka dagaallamayay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe intii uu ka tirsanaa As , isagoo xusay in dhawaan gurmad ahaan loo geeyay deegaanka Ugunji.

Wuxuu tilmaamay in weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qaranka ay ku qaadayeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab ay ku abuureen cabsi iyo xaalad adag, taasoo ugu dambeyn ku qasabtay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda.

Sidoo kale, horjoogahan ayaa sheegay in nolosha iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ay sii adkaanayeen, gaar ahaan kadib howlgallada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo Dagaalamayaasha As ee ku sugan deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah As , iyadoo saraakiisha ammaanku ay sheegeen in xubno badan oo kooxda ka tirsanaa ay isu soo dhiibayaan ciidamada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...