Booliiska Soomaaliya oo sheegay in uu qabtay Nin ku eedeysan Dil ka dhacay Gobolka Hiiraan

Axad 24 May 2026 {HMC} Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan waaxda dambiyada dabagasho ee CID ayaa gacanta kusoo dhigay Cabdifitaax Shaafici Daahir oo ku eedeysan in uu dilay Marxuum Cali Faarax Weliba oo 60 jir ahaa.

Sidoo kale eedeysanaya waxaa loo haystaa in uu dhaawacay Dhibane Cabdi Jimcaale Garood, falkaan isugu jira dilka iyo dhaawaca waxa uu ka dhacay Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan 20kii May 2026 sida warka kasoo baxay Booliiska lagu sheegay.

Cabdifitaax oo baxsad ka ahaa Gobolka Hiiraan ee uu dilka ka gaystay waxa uu Booliisku sheegay in lagu qabtay Deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isaga oo la socday Gaari uu kusoo baxsaday sida hadalka loo dhigay.

Waaxda Dambi baarista Booliiska Soomaaliyeed ee CID ayaa sheegtay in ay baaris ku hayso Cabdifitaax isla markaana galdacwadeedkiisa loo diyaarinayo sidii loogu gudbin lahaa Maxkamadda Awoodda u leh dambiga uu ku eedeysan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale u qabatay Dad ku eedeysan in ay dilal gaysteen kana baxsadeen goobtii ay dambigaas ku galeen, waxaana qaarkood la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida halka qaar kale weli ay yihiin Maxkamad sugayaal.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...