Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha KGS oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray degmada Diinsoor .

Sabti 23 May 2026 {HMC} Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji,  Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Safarkan shaqo ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaannada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...