Jimco 22 May 2026 {HMC} Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo xalay howlgal qorsheysan cashar culus ugu dhigay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Hoggaamiyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada, feejignaanta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii uu socday howlgalka lagu jabiyay cadowga, isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay laf-dhabar u yihiin difaaca shacabka iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah iyo kuwa Argigixiso kal-kaalka ah.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii laba jibbaari doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo kuwa Alshabaab kal-kaalka ah.
Hoggaamiye Jibriil ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer koonfur galbeed ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ka qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo dib u xoreynta guud ahaan dalka gaar ahaan deeganada koonfur galbeed.
Booqashada Hogaamiyaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Dastuurka iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

