Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wafdi Sare oo socda Mareykan Ah.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Mareykanka, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka safiirka, Justin Davis.

Kulanka oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, halka wafdiga Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AFRICOM, oo uu ku jiro Col. Shane Jones, Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray marxaladda kala guurka ah ee dalka galay iyo doorka Puntland ay ku leedahay xasilloonida iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland sida macdanta, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ku simaha safiirka Mareykanka, Justin Davis, ayaa bogaadiyay howlgalada ciidamada Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu sidoo kale ammaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, isagoo ballanqaaday in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...