Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Afrika (AU) oo isku raacay in Soomaaliya gashay xilli kala guurka ah.

Axad 17 May 2026 {HMC}  Waxaa fadeexo ah in Madaxweyne XSM oo 3 maalmood wadaxaajood kula jiray Golaha Mucaaradka Mustaqbalka Soomaaliya ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen Diplomasiyiin ka socotay Mareykanka, Ingiriiska, iyo Reer Yurub uu Shirkii ugu dambeeyay dib uga noqday qodobbadii la isla meel dhigay kulammadii maalmihii 1aad iyo 2aad, lana filayay in Warmurtiyeed wadajir ah la soo saaro jimcihii dhammaadka kulanka maalinta 3aad ee 15 Maajo 2026. Waxaa dhexdhexaadiyayaasha ajnabiga ah aad ula yaabeen isbeddelka ku dhacay Madaxweyne Xassan Sheikh oo ogaa in dhammaadka muddo xileedkiisa ka harsaneyd saacado.

Warar ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga ka dambeysay fashilka wadaxaajoodka Soomaaliyeed, waxaana aad la isu weydiinaya sababta Safiirka Turkiga u qaabilay Madaxweyne Xassan Sheikh maalintii uu dhammaday muddo xileedkiisii, kaddibna sawirradooda la soo geliyay baraha bulshada.

Waxaa halkaan Hoose ku lifaaqan labo warsaxaafadeed oo ka soo kala baxay Xafiiska Qarammada ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Midowga Afrika ( AU) 16ka Maajo 2026, kuwaaso lagu caddeynayo in Soomaaliya gashay marxaladdii kala guurka ( transition period), taaso macnaheedu yahay in sharciyadda dowladdii Federaalka ee Madaxweyne Xassan Sheikh dhammaatay, aysanna jirin muddo kororsi ama sannad harsan sida Madaxweyne Xassan ku doodayay xalay 15 May 2026.

Waxaa kaloo Warsaxafadeedka ku qoran in Madaxweyne Xassan iyo Mucaaradka degdeg u galaan wada hadallo lagu jaangoynayo nidaam doorasho heshiis lagu yahay.

Nasiib darro, muddo sannad iyo bar waxaa Madaxweyne Xassan loo sheegaya in loo baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay, haseyeeshe uu diidan yahay ama aqbali la’yahay farrintaas. Wuxuu xujo ka dhigtay ha aqbalo doorashada beenta ah ee uu ku magacaabay doorasho qof iyo cod aan wax shaqo ah ku laheyn.

Sababta Madaxweyne Xassan Sheikh ugu dheggan yahay doorashada beenta ah ee qof iyo cod waa musuqmaasuq jeceylka aafeeyay dowladnimada Soomaaliya.

Haddii uu daacad yahay waa og yahay musuqmaasuqa hareereeyay doorashadii Gobolka Benadir iyo tan Koofur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...