Sabti 16 May 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dalku si rasmi ah u galay hanaanka doorasho qof iyo cod ah kadib saddex maalmood oo wadahadallo siyaasadeed ah oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka iyo xubno ka tirsan mucaaradka.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, ayay dowladdu ku sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay nidaamyadii doorashooyinka dadban, isla markaana hadda ay ka go’an tahay hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho dadweyne
“Dalku wuxuu galay marxalad dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, iyada oo dowladda ay sheegtay in ay gudaneyso waajibkeeda dastuuriga ah ee dammaanad qaadaya xuquuqda muwaadiniinta ee doorashada iyo in la doorto.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay inay latashiyo la yeelatay saamileyda siyaasadda, beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan dib-u-habeynta doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee, warsaxaafadeedka ayay dowladdu waxa ay ku sheegtay mucaaradka inay soo bandhigeen hindisayaal “ka hor imanaya xuquuqda aasaasiga ah ee dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee ah inay codeeyaan ama isu sharxaan xilalka.”
Ku dhawaaqistan warsaxaafadeedkaan ayaa muujineysa in wadahadalladii saddexda maalmood u socday dowladda, mucaaradka iyo beesha caalamka ay ku dhammaadeen natiino la’aan.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay fashilka shirka ayaa yiri, “Deni iyo Golaha Mustaqbal Soomaaliya xikmad badan ma keenin miiska wadahadalka, doorashada qofka iyo codka ahna ma rabaan mid kalena ma hayaan, waxoodu waa cadyahow si bahalnima ah kuu cunay ama ku ciideeyey.”
Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sii xoogeystay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo la xiriira qaabka iyo waqtiga doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo mucaaradku uu dalbanayo is-afgarad ballaaran ka hor inta aan la hirgelin doorashada ay damacsan tahay dowladda.


