Sirdoonka Mareykanka oo ka hor yimid warar uu sheegay Trump.

Arbaco 13 May 2026 {HMC}  Madaxweyne Trump ayaa sheegay in warbaahinta qaar ee Mareykanka ay Iran ka sheegayaan waxyaabo aan run ahayn, kuwaas oo Iran siinaya rajo. Wuxuu sheegay in arrintaas ay la mid tahay “khiyaano.”

Hadalkan ayuu sheegay kadib markii wargeyska New York Times uu qoray in dowladda Trump ay sheegtay in ciidamada Iran si weyn loo wiiqay, laakiin warbixinada sirdoonka Mareykanka ay muujinayeen in xaaladdu aaney sida Trump u sheegyo ahayn.

Qoraalkiisa baraha bulshada ayuu ku sheegay arrintan kadib markii wargeyska uu soo wariyay in Iiraan ay weli haysato laba meelood saddex meel kaydkeedii gantaallada, isla markaana ay dib u heshay marin ay ku gaarto inta badan xarumaheeda dhulka hoostiisa ku yaalla.

Wargeysku wuxuu sheegay in sida maamulka Trump u sawiray ciidamada Iiraan oo burburay aysan waafaqsanayn waxa hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay si hoose uga sheegayaan xaaladda dhabta ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...