Sacuudiga oo Weeraray IIraan.

Arbaco 13 May 2026 {HMC} Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Sacuudiga Carabiya ay fulisay weerarro “aan si rasmi ah loo shaacin” oo lagu qaaday gudaha Iran, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer Galbeed ah iyo laba sarkaal oo Iran ah oo xog-ogaal u ah arrinta.

Warbixinta ayaa tilmaantay in weerarradan—oo aan hore loo soo tabin—ay noqon karaan markii ugu horreysay ee Sacuudiga si toos ah uga fuliso hawlgal militari gudaha dhulka Iran, taasoo muujinaysa in Riyadh ay si isa soo taraysa u adkaynayso difaaceeda ka dhanka ah tartameheeda gobolka.

Sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer Galbeed ah, weerarrada waxaa fuliyay ciidamada cirka ee Sacuudiga, waxaana la rumeysan yahay inay dhaceen dabayaaqadii bisha Maarso.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in “weerarradu ay ahaayeen kuwo aargoosi ah oo looga jawaabay markii Saudi Arabia la beegsaday.”

Reuters waxay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin bartilmaameedyada saxda ah ee weerarradan.

Markii la weydiiyay, sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga si toos ah ugama hadlin eedeymahan.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran kama aysan jawaabin codsiga warbaahinta ee ku saabsan warbixintan.

XIGASHO BBC

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...