Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigtay kalluumeysato ayaa markii u horreysey afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta, kaas oo ku sugnaa xeebaha Yemen, sida ay xaqiijisey hey’adda badda UK ee UKMTO.
Wakaaladda Wararka AFP oo xiganeysa saraakiil amni ayaa sheegtey in markabka ay afduubteen lix nin oo ka tegey xeebaha Puntland, kuwaa oo la sheegey in hubka ay wax ku afduubteen ay ka heleen Soomaalida Yemen, iyaga oo markabkana la soo aaday.

