Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha kala duwan ee ay ka howlgalaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ku soo maray baraha ay ciidamada ku sugan yihiin isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada iyo habsami u socodka howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka, Intii uu kormeerka ku guda jiray Taliyaha ayaa saraakiisha ciidamada ka xog wareystay xaaladaha guud ee amniga isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ku sugan Baraha kala duwan.
Geesta kale Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha iyo Ciidamada uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga goobaha ay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ku wareejiyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyay gudashada waajibaadkooda shaqo iyo ilaalinta amniga Bulshada ey dhaarta u mareen.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee Taliska Ciidanka Dhulka XDS kuwaa oo lagu dardargelinayo howlaha amniga iyo qiimeynta xaaladda ciidamada ku sugan fariisimaha kala duwan ee dalka.


