Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Saraakiil Ciidan oo uu Hogaaminayey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortago falalka amni-darrada ah ee ay Khawaarijtu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
kulanka Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

