Trump oo markii ugu horreysay amaanay Soomaalida.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne Trump oo markii ugu horreysay amaanay Soomaalida isagoo ka hadlayay maalinta Thanksgiving (Maalinta Mahadnaqa) oo ah maalin fasax qaran oo laga xuso dalka Mareykanka, sanad kasta Khamiista afraad ee bisha November.

Wuxuu yiri “Waxaan u mahadcelinayaa 2% oo keliya oo ka mid ah dadka asal ahaan Soomaaliyeed ee ku nool dalkeenna, kuwaas oo shaqeeya, isla markaana diyaar u ah inay shaqeystaan iyaga oo aan helin kaalmo dhaqaale oo dowladda ka timaadda. Kuwani waa muwaadiniin Mareykan ah oo wanaagsan, waana in loo oggolaadaa inay dalkeenna sii joogaan oo ay nala dabaaldegaan Thanksgiving-ka”

“Dadka kale waa in si degdeg ah dalka looga saaraa, taas oo badbaadin doonta gobolka weyn ee Minnesota, kaas oo aan lahayn wax rajo ah haddii loo oggolaado inay sii joogaan” ayuu ku qoray bartiisa bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula Kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Saraakiil...