Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska XDS ayaa sii wada howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaannada Qardho iyo Jameeco ee gobolka Baay.
Howlgalladan ayaa lagu burburiyey fariisimo iyo xarumo hor leh oo Al-Shabaab u adeegsan jireen kaydinta hubka iyo agabka milatari, taasoo dhabar-jab ku ah awooddooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.
Baaq ku socda shacabka Ciidanka Kumaandooska Danab waxay ugu baaqayaan shacabka ku nool deegaannada howlgalladu ka socdaan inay muujiyaan feejignaan, la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana fogaadaan goobaha ay howlgalladu ka socdaan.
Sidoo kale, shacabka waxaa laga codsanayaa inay ciidamada la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga iyo badbaadinta nafta iyo hantida shacabka.
Ciidanka Danab waxay mar kale adkeynayaan sida ay uga go’an tahay xaqiijinta amniga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

